Iska Hor imaad xoogan oo hada ka socda Xerada Gen. Gordan ee ka baxeen Imaaraadka

Waxaa goordhaw iska hor imaad uu ka bilowday gudaha iyo hareeraha xerada Jeneraal Gordan oo ah halka ay degan yihiin Ciidamada ay tababareen dowlada Imaaraadka Carabta ee dhawaan la wareegtay Dowlada Soomaaliya.

Rasaas xoogan ayaa laga maqlayaa  xerada Generaal Gordan iyo hareeraheeda, waxaana wararka aan heleyno sheegaaan in ay dagaalamayaan ciidano kawada tirsan kuwa Imaaradaka tababareen.

Wali lama oga waxa uu salka ku hayo iska hor imaadka u dhaxeeya ciidankan kawada tirsan dowlada, waxaana rasaasta ay ciidankan is dhaafsanayaan gaarayaan xaafado ka baxsan halka uu dagaalku ka soco.

Saraakiishii Imaaraadka ayaa isaga baxay xerada Generaal Gordan ay ku tababarayeen ciidanka Milatariga, Imaaraadka ayaana xeradaasi kala baxay agabkii muhiimka ahaa ee u yaalay.

Iska hor imaadkan ayaa kusoo adayaa xili maalin kahor Dowlada Soomaaliya si buuxda ula wareegtay xerada Imaaraadka , waxaana ciidankii Imaaraadka tababareen loo bixiyay Guutada Daljir.

Waxii warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -